Skip to main content

Featured

sheekooyin kaa qoslin doona oo aad u xamaasad badan

Sheekada Koobaad: Hooyo ayaa ka shakisay wiilkeeda inuu la seexdo gabadha uu la ijaartey aqalka .... maxay samaysey yaab: Hooyo ayaa waxa ayka shakisey wiilkeeda, kadib waxa ay ku booqatey aqalkii uu dagenaa oo ay gabadh ku weheliso si ay jiiraanka ula bixiso. Hooyadu waxa ay aaminsaneyd in xidhiidh uu ka dhaxeeyo. Waa ay martidey, wiilkeeda iyo gabadhii la daganeydba aad bey usoo dhaweyen Wax caawimo ah may siinin wiilkeeda xaga cunto kariska iyo xaga nadaafada midnaba. Si ay u ogaato balse waxa ay ogaatey in gabadhu ay tahey mid cuntada iyo nadaafada aqalkaba ilaalisa. Shakigeedana aadbuu usii batey. Waxa ay aad indhahooda ula raacdaa marka lafadhiyo miiska cuntada.  Wiilku waxa uu ahaa mid dareensan shakiga hooyadiisa, aad baanu isku iaalin jirey, hooyadii waxa uu ku odhan jirey waxba nagama dhaxeyan. Hooyadii maalmo kadib waa iska noqotey.  Mudo todobaad ah kadib gabadhii waxa ay ogaatey in aqalka uu ka maqanyahey bileedhkii dahabiga ahaa waxa ayna usheegtey wiilkii inuu h...

Taageerayaasha Liverpool waxaa loola dhaqmey si bini aadanimada ka baxsan .......


Xidhiidhka kubada cagta ee UEFA ayaa waxa ay ka soo saartey qoraal ka dhan ah sida liidata ee loola dhaqmey taageerayaasha liverpool sanadii 2022, matchkii finalka ay la lahaayeen kooxda real madrid waxa ciidanka france ay u adeegsadeen sunta dadka ka ilmeysiisa iyo basbaaska naqaska ah taageerayaasha liverpool xilli ay marmarsiiyo ka dhigteen in ay jireen taageere dooneyey iney xoog iyo ticket la'aan ku galaan garoonka ......

Waxay sababtey gadoodka iyo cadhadii taageruhu inay jabiyaan darbigii security-ga garoonka Stade de France oo ay ka dhacaysey cayaarta finalka ahi ka hor matchka, waxaana dib loo dhigey cayaarta 37-daqiiqo ......

Waxay dareemaysaa faderationku in warbaahin
-ta madaxa banaani ay xagjirnimo iyo buunbuunin u adeegsatey warkan. 
Balse waxa xaqiiqo ah in aan loo naxariisan taageraha midaasina khatar nafeed u geysatey dadyowgii naafada ahaa iyo kuwii xiiqda lahaa maadaama loo adeegsadey sunta dadka ka ilmeysiisa iyo basbaaska naqaska ah.

Comments

Popular Posts