Sheekada Koobaad: Hooyo ayaa ka shakisay wiilkeeda inuu la seexdo gabadha uu la ijaartey aqalka .... maxay samaysey yaab:
Hooyo ayaa waxa ayka shakisey wiilkeeda, kadib waxa ay ku booqatey aqalkii uu dagenaa oo ay gabadh ku weheliso si ay jiiraanka ula bixiso.
Hooyadu waxa ay aaminsaneyd in xidhiidh uu ka dhaxeeyo. Waa ay martidey, wiilkeeda iyo gabadhii la daganeydba aad bey usoo dhaweyen
Wax caawimo ah may siinin wiilkeeda xaga cunto kariska iyo xaga nadaafada midnaba. Si ay u ogaato balse waxa ay ogaatey in gabadhu ay tahey mid cuntada iyo nadaafada aqalkaba ilaalisa. Shakigeedana aadbuu usii batey. Waxa ay aad indhahooda ula raacdaa marka lafadhiyo miiska cuntada.
Wiilku waxa uu ahaa mid dareensan shakiga hooyadiisa, aad baanu isku iaalin jirey, hooyadii waxa uu ku odhan jirey waxba nagama dhaxeyan. Hooyadii maalmo kadib waa iska noqotey.
Mudo todobaad ah kadib gabadhii waxa ay ogaatey in aqalka uu ka maqanyahey bileedhkii dahabiga ahaa waxa ayna usheegtey wiilkii inuu hooyadiis weydiiyo sababta ay u qaadatey. Wiikii oo ka cadhaysan waxa ay sameysey hooyadii ayaa waraaq udirey hooyadiis waxa uuna uqorey waraaq sidan udhigan:
" Hooyo qaali ........
Aqalka waxa ka maqan bileedhkii dahabiga ahaa ee gabadha aqalka ila dagan. Ku odhan maayo waad qaadatey, kuna odhan maayo maad qaadan balse runtu waxey tahey in aan la arag sidaad u tagtey ........
Waan ku jeclahay
Ka timid wiilkaaga."
Kadib Hooyadii ayaa u qortey waraaq udhigan:
" wiilkeygii aan jeclaayoow ...... ku odhan maayo gabdha waad la seexataa, kuna odhan maayo lama seexatid sababtoo ah haddii ay seexan laheyd sariirteeda way ka heli laheyd barkinteda hoosteeda waqti hore .......
Waan ku jeclahey
Ka timid Hooyadaa."
********************
Sheekada Labaad: Odaybaa soo iibsadey mashiinka beenta qabta ... kadib maxaa dhacey
Odeygii waxa uu u yeedhay wiilkiisii kadib mashiinkii ayuu daaray, waxa uuna weydiiyey habeen hore inta uu qabtey. Kadib wiilkii oo qoslaya ayaa yidhi "Aabo macalinka dugsiga ayaan aaday."
Kadib mashiinkii ayaa dharbaaxay ... haddana wiilkiiba dhahey asoo naxsan asxaabtaan aadey.
Odeygii: maxaad qabanayseen?
Wiilkii: cayaarbaanu fiirsanayney.
Mashiinkiibaa haddana dharbaaxey .... wiilkiiba dhahay maya aabo filimbaanu fiirsaneyney!!
Odaygii: film noocee ahbaad fiirsaneyseen?
Wiilkii: oo naxdin ka muuqato ayaa dhahey een
een filim konfu ah (chinese) baanu fiirsaneyney. mashiinkiibaa haddana dharbaaxey. Wiilkii ayaa waxa uu dhahey aabo waxaanu fiirsaneyney filimaanta xumaanta ah ee dadka waaweyn!!
Odeygii: waa yaab caruurtan danbe!! anigu markaan da'daada ahaa maan aqoon dhaqan xumadaas. Mashiinkii ayaa dharbaaxey odeyga.
Islaantii wiilka dhashey oo maqleysey waxa meesha ka socda ayaa inta ay qosol is hayn kari weysey tiri waa wiil iyo aabihiis! .... Haddana mashiinkii ayaa islaantii dharbaaxey ....... 🤭😱
*****************************
Sheekada Saddexaad: Nin ayaa ogaadey in gabadhiisu (inantiisu) ay leedahey mucjiso yaab leh:
Gabadha yari waxa ay aheyd mid marka ay
seexanayso sii ducaysata oo qoyskeedana usii ducaysa.
Maalin kamida habeenadii uu seexin jiray ayaa uu maqley inanta yar oo leh habeen wacan aabo, habeen wacan hooyo, habeen wacan ayeeyo, nabadgelyo awoowo ..... 🤲🤲.
Kadib gabadha yar ayaa weydiiyey sababta ay u tiri nabadgelyo awoowo? Waxaaney ugu jawab tey "ma aqaani" ...... Maalinkii xigtey waxa geeri yoodey odeygii awoowga u ahaa gabadha.
Ninkii oo yaaban ayaa isku qanciyey iney inanta yari iska nasiibisey.
Bil kabacdi ayaa uu maqley haddana gabadhii yarey oo sidii caadada u aheyd ku duceysaneysa oo leh "habeen wacan aabo, habeen wacan hooyo, nabadgelyo ayeeyo ..... "
Haddana markale waxa geeriyootey islaantii ayeeyada u aheyd gabadha yar, waxaa uuna fahmey ninkii in gabadhiisa yari ay leedahey mucjiso.
Habeen welba waxaa uu ahaa mid dhageysta marka ay seexaneyso. Muddo bilo ah ka bacdi ayaa uu maqley gabadhii yared oo leh "habeen wacan aabo, habeen wacan hooyo, nabadgelyo aabo ....." Waa uu isku naxey, waxa uuna isku diyaariyey dhimasho, maalinkii oo dhan waxa uu ahaa mid dardaaran iyo cafisba dadka sii weydiista, sir wixii u qarineyey oo dhana wada bixiya. Waxa uu waqtigu socdaba oo uu naxdin iyo calool xumo uu lajoogaba waxa dhamaatey maalinkii.
Waxa uu dib ugu soo lqqbteg aqalkiisii asaga oo ay farxad ka muuqato balse waxa loo sheegey in waardiyihii aqalkiisu uu dhintey galabkii.... 🤔😥
***********************
Sheekada Shanaad: Mark ay waalidku ku yidhaahdaan caruurtooda waanu kala tagi rabnaa ......
Aabe ayaa wacay wiilkiisa oo jooga magaalo kale waxa uuna usheegay warkan "Aabo waxaa jirtey wax aan in badan idinka qariyey, waanku daaley hooyadiin, waxaanan sabrayey muddo 45 sanno ah, markana waxaan go'aansadey inaan siiyo warqadeeda. Sidaa ula soco walaashaana hala wadaagin arinkaasi."
Wiilkii talo ayaa ku cadaatey waxaanu wacay walaashiis oo ayana magaalo kale joogta.
Inantii waxa ay markiiba teleefan u dirtey aabaheed waxeyna usheegtey in aanu talaabo qaadin madaama ay soo socoto.
Odeygii waxa uu iskaga noqdey gurigiisii, waxa uuna usheegay islaantiisii in caruurtoodii usoo socdaan oo ciidka ay ducada iyo farxada kala soo qeyb geli rabaan. 😆😅
***************************
fadlan wixii talo iyo tusaale ahba comment sectionka ama contact formka noogu dhaaf ...
Hanna hilmaamin inaad fallow nasoo dhahdo si aad noola socoto ............ 🙏🙏
Comments
Post a Comment