Skip to main content

Featured

sheekooyin kaa qoslin doona oo aad u xamaasad badan

Sheekada Koobaad: Hooyo ayaa ka shakisay wiilkeeda inuu la seexdo gabadha uu la ijaartey aqalka .... maxay samaysey yaab: Hooyo ayaa waxa ayka shakisey wiilkeeda, kadib waxa ay ku booqatey aqalkii uu dagenaa oo ay gabadh ku weheliso si ay jiiraanka ula bixiso. Hooyadu waxa ay aaminsaneyd in xidhiidh uu ka dhaxeeyo. Waa ay martidey, wiilkeeda iyo gabadhii la daganeydba aad bey usoo dhaweyen Wax caawimo ah may siinin wiilkeeda xaga cunto kariska iyo xaga nadaafada midnaba. Si ay u ogaato balse waxa ay ogaatey in gabadhu ay tahey mid cuntada iyo nadaafada aqalkaba ilaalisa. Shakigeedana aadbuu usii batey. Waxa ay aad indhahooda ula raacdaa marka lafadhiyo miiska cuntada.  Wiilku waxa uu ahaa mid dareensan shakiga hooyadiisa, aad baanu isku iaalin jirey, hooyadii waxa uu ku odhan jirey waxba nagama dhaxeyan. Hooyadii maalmo kadib waa iska noqotey.  Mudo todobaad ah kadib gabadhii waxa ay ogaatey in aqalka uu ka maqanyahey bileedhkii dahabiga ahaa waxa ayna usheegtey wiilkii inuu h...

Dheecaanka Raganimo ............ keliya ragga

 

Markaad maqasho magaca Testestrone maxa kugu soo dhaca? Ninimo? Dabeecad xumo, sabir la’aan, nooc dabeecada? Rabshad?

In Testestrone-ku uu keeno dabeecad xumo waa sheeko hore. Balse waxa uu qayb weyn ka cayaaraa caafimaadka. Ma ogtahey in Testestrone uu yahey sababta nooc kamida Cancer-ka? Mise ogtahey in dumarka qaarkood u baahanyihiin Testestrone?.

Faa’idooyinka laga Helo Testestrone:

Testestrone-ku waa dheeaanka raganimo waxa uuna qabtaa faa’idooyinka ayka midka yihiin:

● Korniinka xubinka taranka iyo xiniinyaha.

● Korniinka timaha wajiga iyo kuwa hoosta waqtiga dhalinyarnimada, marka danbana waxa uu masuul ka noqdaa bidaarta(basada).

● Codka oo weynaada xilliga dhalinyarnimada lagaadho.

● Korniinka iyo adkaanta murqaha.

● Korniinka iyo adkaanta lafaha.

● Rabitaanka galmada (shahwada)

● Soo saaritaanka unugyada taranka.

Dhalinyarta aan laheyn xadi ku filan oo dheecaankan ahi ma yeeshaan timaha wajiga , xubintooda tarankuna ma korto, mana yeeshaan codka weyn.

Sidoo kale waxa la ogaadey in uu dheecankani qeyb ka qaato xasiloonida iyo daganaanshaha qofka. Waxaa jirta waxyaabo kale oo badan oo ka qeyb qaato caafimaad ahaan oo weli badhitaan cilmiyeysan lagu wado.

Fariimo ayey u dirtaa maskaxdu qanjidhka loo yaqaan pituitary-ga eek u yaala xaga hoose ee maskaxda, si uu usoo saaro dheecaanka Testesrone-ka ragga. Kadib qanjidhka Pituitary waxa uu fariin udiraa xiniinyaha si ay usii daayaan dheecanka Testesterone. Maskaxda ayaana xaddida xadiga dheecanka ee dhiiga raaca. Haddii lasoo saaro xaddi aad ubadan oo ah dheecaankani ah maskaxda ayaa fariin udirta qanjidhka Pituitary si uu uyareeso soo saaritaanka dheecaankan.

Haddii aad u maleyneyso in kaliya uu raga u leeyahay faa’ido waad khaldantahey sidoo kale dumarku waa leeyihiin laakiin waa xadi aad u yar waxa uuna ka caawiyaa:

◇ Adkeynta lafaha

◇ Soo saarista unugyada taranka

◇ Rabitaanka galmada.

Waana laga maarmaan in dheecaanka raganimo aanu ka badan midka dumarka si ugxanta taranka dumarku si fiican ugu shaqeeyo dumarka.

Ma ogtahey:

Ma ogtahey in jidhku ka sameeyo baruurta (cholostrol) dheecankan Testetroneka, Laakiin macnaheedu maahan haddii aad leedahey baruurbadan inaad yeelaneyso xaddi badanoo Testestrone ah. Waxa ilaaliya xaddiga soo saarkiisa qanjidhka ku yaala maskaxda ee pituitary-ga.

Dhibaatooyinka Testestrone-ka oo bata:

Waa caadi in araga u uku bato qaarkood, mararka qaar waxaa laga yaabaa in lagu garto badashadiisa dabeecad xumad iyo rabitaanka galmada oo bata. Waxaana laga caadi ah in uu isbadbadalo xataa maalin gudaheeda.

Badashadiisu badiba waxa ay ku timaada dadka cayaara ee isticmaala noocyada kala duwan ee irbadaha ah (Steroids). Si ay ugu kordhiyaan culayskooda iyo tabartooda.

Maxaa kugu dhici kara haddii uu kugu bato dheecaankani:

● Unugyada taranka iyo xiniinyaha oo yaraada.

● Wadno xanuun.

● Qanjidhka xiniinyaha oo barara iyo kaadida oo ku xanuujisa.

● Beer xanuun.

● Cago barar.

● Gaajo badan

● Yalaalugo.

● Madax xannuun.

● Dhiig-kar.

● Murqahoo aad u weynaada.

● Dabeecad xumo (in kastoo weli aan cadeyn loo helin).

Dumarka iyaga waxaa ku keena xanuun la yidhaa Polycytic Ovary Syndrome (PCOS), waxaana u uku dhacaa boqolkiiba lix dumarka.

Dumarka xanuunkani waxa u uku keena dhiiga caadada  oo waqtiyo kala duwan u yimada, wejiga oo timo kasoo baxaan, madhalaysimo iyo dabeecad xumo.

 Sidoo kale dheecanka Testestrone waxaa uu yareeyaa naasaha dumarka, codkana uu weyneeyaa waxaana uu ku keena bidaar. Badi waxa ku badiya dumarka dheecaanka qaadasha mukhaadaraadka iyo xanuunka aynu soo xusney ee PCOS.

Dhibaatooyinka Testestrone-ka oo yaraada.

Waxa daraasadaha qaar sheegayaan in xadiga dheecaanka Testestron uu sanad welba sii yaraado boqolkiiba laba. Waxaana saddex meeloodoow meel uu hoos u dhacaaa raga marka ay gaadhaan da’da 45-ta. (in kastoo ay tahey warbixin la isku waafaqsanyahey).

Maxaa ka dhalankara yaraanshaha dheecankan raganimo:

■ Jidhka iyo timaha wejiga oo yaraada.

■ Xuusnimo {culayskoo hoos udhaca}.

■ Madhalaysnimi.

■ Shahwad la’aan.

■ Timo la’aanta jidhka.

■ Lafo xanuun iyo dacfi.

Ma ogtahey:

In yaraanshaha Testesterone uu yahey mararka qaar faa’ido, sababtoo ah koorniinka cancerka xiniinyaha waxa ka qeyb qaata dheecaanka Testestrone waana sababta daawada ugu fiicani ay tahey dhufaanista. (lakiin weli ma cada ee waa lala xidhiidhiyaa).

Xanuunada saameeya ee xadida Testestrone-ka:

Ragga waxa ku keena xanuunada ku dhaca:

Xiniinyaha : sida dhufaanista, dhaawac amaba daaweynta cancerka.

Qanjidhka xaddida xadiga dheecaankan.

Sidee loo cabiraa xaddigiisa:

Maadaama ay fududahey cabirista dhiigu ayana aad bey u fududahey in la ogaado xaddiga dheecankani inkastoo uu kala duwanyahey maalinka dhexdeeda. La iskumana waafaqsana waqtiga ugu fudud ee la baadhi karo cabirkiisa.

DIGNIIN (Disclaimer):

Maqaalkan looma adeegsan karo isku daaweyn ee haddii aad calaamadan aad isku aragto la xidhiidh dhakhtar amaba khabiir caafimaad.

Xigasho (Reference)

Maqaalkan waxa lagu daabacey oon kasoo min guurinay (turjumey) jariirada Harvard Health publishing waxaana qorey xeel dheerayaal caafimaad.

fadlan wixii talo iyo tusaale ahba comment sectionka ama contact formka noogu dhaaf ... 

Hanna hilmaamin inaad fallow nasoo dhahdo si aad noola socoto ............  ๐Ÿ™๐Ÿ™




Comments

Popular Posts