Skip to main content

Featured

sheekooyin kaa qoslin doona oo aad u xamaasad badan

Sheekada Koobaad: Hooyo ayaa ka shakisay wiilkeeda inuu la seexdo gabadha uu la ijaartey aqalka .... maxay samaysey yaab: Hooyo ayaa waxa ayka shakisey wiilkeeda, kadib waxa ay ku booqatey aqalkii uu dagenaa oo ay gabadh ku weheliso si ay jiiraanka ula bixiso. Hooyadu waxa ay aaminsaneyd in xidhiidh uu ka dhaxeeyo. Waa ay martidey, wiilkeeda iyo gabadhii la daganeydba aad bey usoo dhaweyen Wax caawimo ah may siinin wiilkeeda xaga cunto kariska iyo xaga nadaafada midnaba. Si ay u ogaato balse waxa ay ogaatey in gabadhu ay tahey mid cuntada iyo nadaafada aqalkaba ilaalisa. Shakigeedana aadbuu usii batey. Waxa ay aad indhahooda ula raacdaa marka lafadhiyo miiska cuntada.  Wiilku waxa uu ahaa mid dareensan shakiga hooyadiisa, aad baanu isku iaalin jirey, hooyadii waxa uu ku odhan jirey waxba nagama dhaxeyan. Hooyadii maalmo kadib waa iska noqotey.  Mudo todobaad ah kadib gabadhii waxa ay ogaatey in aqalka uu ka maqanyahey bileedhkii dahabiga ahaa waxa ayna usheegtey wiilkii inuu h...

Ma tahey dadka dhafra ee hurdo la'aanta latacaalaya.

 







Insonmia waa khalkhal ku yimaada hurdada waana adiga oo inyar seexda hurdana dib ugu noqon waayaa badi waxa lakulma dadka da'da ah. Caadi ahaan waa in qofku uu seexdaa marka uu yahey da'da dhexe 7 ilaa 8 saac habeenkii.

Kaliya ma yareyneyso tabartaada iyo dareenkaaga ee sidoo kale waxay saameyn xun ku yeelaneysaa caafimaadkaaga iyo tayadaada nolaleed.

Calaamadaha lagu garto xanuunkani waa: -

1- Hurdo ood habeenkii iska weyso.

2- Hurdada ood kasoo badh kacdo.

3- tabcaan oo la lasoo tooso.

4- maalinkii oo la luloodo (la seexdo).

5- daganaasho la'aan.

6- xasuustoo yaraata. 

7-  khaladaadka iyo shilalka maalmeed oo kordha. 

8- hurdada oo werwer kugu rida.

Maxaa sababa xanuunkani 

Badi waxa uu leeyahey sabab udub dhexaad u ah hurdo la'aanta marka laga hadlayo dhalinta 

■ stresska - walbahaarka noleleed sida imtaxaanada, waxbarashada, dhaqaalo xumada, shaqo ceydhinta iyo I.W.M

■ Jadwalka cusub ee shaqo iyo safarada 

caadooyinka xun ee hurdada : tusaale waa adiga oo kolba badala jadwalkaaga hurdo amaba seexda saacado kamida maalinkii.

■ cunto badan oo la cuno habeenkii.

■ xanuunada maskaxeed sida walbahaarka iyo walaaca.

■ anuunada jidheed sida cancerka, macaanka iyo xanuunada lamidkaa.

■ daawooyinka la qaato: akhri daawooyinka aad qaadato in ay leeyihiin side effects keeni kara hurdo la'aan lana xidhiidh dhakhtarkaaga haddii aad heli karto badal.

■ caffine, necottine iyo alchol: caffeega, shaaha, sigaarka iyo khamraduba waa keenaan.

Maxaa sii xoojin kara xanuunka insonmia 

1- da'daada oo lixdanka dhaafta.

2- inaad tahey dumar xanuunadii dumar lasoo darseen.

3- inaad tahey ruux latacaalaya stress.

4- in aadan laheyn jadwal hurdo ood maalinba xilli aad seexato.

Sidee looga hortagaa xanuunka hurdo la'aanta

● sameyso waqti aad malin weliba seexato iyo mid aad toosto oo rasmi ah.

● maalinkii wax qabadsamee: sida shaqo ama jimicsi jidheed.

● kafagoow ama yaree cabista caffeega iyo shaaha hana u dhawaan sigaarka iyo khamrada.

● yaree ama ka fogow maalin seexadka.

● sameyso caadooyin fiican inta aadan tagin sariurta sida biyo diiran inaad ku maydhato, ama aad wax akhriso ama aad dhageysato wax ku anfacaya.

● sariirta keliya u tag hurdo ama galmo haddii aad leedahey xaas xalaal ah.

Xigasho: majalada Mayo Clinic.

Wixi talo iyo tusaale ahba commentka noogu dhaaf lana wadaag qof aad jeceshahey inuu ka faa'ideysto oo dhafarka iyo hurdo la'aantuu saameysey. 






Comments

Popular Posts