Search This Blog
Bartan waxaad kala soconkartaa warbixinihii ugu dambeeyey suuqa iyo caalamkaba iyo madadaalooyinka sida cayaaraha, sheekooyinka iyo suugaanta Afka soomaliga.
Featured
- Get link
- X
- Other Apps
Keliya dumarka ....... maxaa keena dib udhaca dhiiga caadada ??
Qodobo dhawr ah ayaa dib uridi kara dhiiga caadada, waxana kamida miisaankaaga oo is dhima iyo stresska. Haddii uu maalmo soo daaho waa iska caadi laakiin bil iyo kabadan uu dib dhaco waxaa lamahuraan ah inay dhib jirto.
Waa in sida caadiga ah uu yimaado dhiigu kadib 21 ilaa 35 cisho maalinkii uu dhiigii hore kaa joogsadey. Mudadu wey kala duwanan kartaa waxaalaga lagayaabaa in aad heli jirtey 28 cisho haddii aadan helin 29-aadka waa dib dhac, amba waxa laga yaabaa inuu kuu imaan jirey 32aadka haddii uusan imaan 33-aad waa dib dhac.
Laakiin dib udhaca maalimuhu waa iska caadi inkastoo laga yaabo inuu marba marka kadanbeysa sii xumaado balse midka waayid loo tixgalinayaa waa midka bilo kaa maqnaada.
Hadaba xagan waxaa kuugu sheegi doonaa sagaal (9) qodob oo kugu keeni kara in aad iska weydo ama kaa habsaamo dhiiga caadadu: -
Qodobka koobaad: stresska
Qodobka Labaad: In aad miisan lumiso amaba aa kordhiso.
Qodobka Saddexaad: Jimicsi xad dhaaf ah ood sameyso.
Haddii aad maalinkii cayaarto saacado badan waxa aad gubeysaa tabar badan jidhkuna mahelayo tabar ku filan oo uu ku maamulo jidhka. Badi caadi ayey kusoo noqotaa haddii qofku yareeyo waqtiga jimicsiga ama uu qaato
Xadi ku filan oo cunto.
Qodobka Afarraad: Haddii uu kugu dhaco xanuunka PCOS: polycystic ovary syndrom waa xanuun ka yimaada isku dheeli tirnaan la'aanta dhicaanada taranka. Waxaana uu sababi karaa
● in dhiigu yaraado ama xaddhaaf uu noqdo.
● bilba uu xiliyo kalo duwan yimaado.
● in aad gebi ahaanba iska weyso.
Waxa kale oo uu dumarka qaar ku keenaa
● timaha wejiga iyo gacmaha oo bata.
● Haaro ku sameysma qoorta iyo naasaha hoostoodo.
● Diirka oo ka dhaca qoorta iyo kilinkisha.
● Miisaan badan inuu ku fuula ama kaa dhaco.
● Madhalaysnimo.
Qodobka Shanaad: Isticmaalka dawooyinka lagaga hortago uurka.
Qodobka Lixaad: Gaadhitaanka da'da 40-ka.
Qodobka Toddobaad: Qanjo Xannuunka.
Qanjidhka balan baalista u eeg ee ku yaala qoortu waa midka ka masuulka ah soo saarista iyo joojinta dhiiga caaddada haddii uu khalkhal ku yimàd wuxuu kugu sababi karaa inaad gebi ahaanba iska weydo ama kaasoo dib dhaco.
Qodobka Siddeedaad: Xanuunada Uur kujirta.
Qodobka Sagaalaad: Inaad Uur qaado.
- Get link
- X
- Other Apps
Popular Posts
Dheecaanka Raganimo ............ keliya ragga
- Get link
- X
- Other Apps
sheekooyin kaa qoslin doona oo aad u xamaasad badan
- Get link
- X
- Other Apps
Comments
Post a Comment