Skip to main content

Featured

sheekooyin kaa qoslin doona oo aad u xamaasad badan

Sheekada Koobaad: Hooyo ayaa ka shakisay wiilkeeda inuu la seexdo gabadha uu la ijaartey aqalka .... maxay samaysey yaab: Hooyo ayaa waxa ayka shakisey wiilkeeda, kadib waxa ay ku booqatey aqalkii uu dagenaa oo ay gabadh ku weheliso si ay jiiraanka ula bixiso. Hooyadu waxa ay aaminsaneyd in xidhiidh uu ka dhaxeeyo. Waa ay martidey, wiilkeeda iyo gabadhii la daganeydba aad bey usoo dhaweyen Wax caawimo ah may siinin wiilkeeda xaga cunto kariska iyo xaga nadaafada midnaba. Si ay u ogaato balse waxa ay ogaatey in gabadhu ay tahey mid cuntada iyo nadaafada aqalkaba ilaalisa. Shakigeedana aadbuu usii batey. Waxa ay aad indhahooda ula raacdaa marka lafadhiyo miiska cuntada.  Wiilku waxa uu ahaa mid dareensan shakiga hooyadiisa, aad baanu isku iaalin jirey, hooyadii waxa uu ku odhan jirey waxba nagama dhaxeyan. Hooyadii maalmo kadib waa iska noqotey.  Mudo todobaad ah kadib gabadhii waxa ay ogaatey in aqalka uu ka maqanyahey bileedhkii dahabiga ahaa waxa ayna usheegtey wiilkii inuu h...

Hodan iyo Jaceylkeedii Qaybta koobaad .... Qiso jaceyl oo aad uu xiiso badan.

    Waxey aheyd horaantii sanaddii 2018, Markii ugu horeysey ee ay Hodan iyo Ahmed kulmaan. Hodan waa gabadh ku nool miiga burco waxay  la noolayd qoys danyar ah oo qaraabadeeda ah si kasta oo nolosha iyo waayuhu ugu xumyihiin haddana waa gabadh gashaanti ah oo hadda uun da'da 16 ka gashey. Markaa adeerkeed oo ay la noolayd in badana korniinkeeda iyo ilaaladeeda  la daala dhacayey waxa uu go'aan aanu u meel dayin cidna kala tashan ku gaadhey in uu bixiyo Hodan siiyana wiil cayaalo suuq magaalo ku kor ahaa oo miyiga maalmahaasi uun soo gaadhey, oo nin saxiibkiisi caruurnimo ahaa dhalay.

Odey Jaamac oo ahaa Hodan adeerkeed ayaa la kulmay Omar yare oo beerta banaankeeda taagan. 

Omar: waan ku salaamey duqa.

Adeero Jaamac: adeer waa lagaa qaadey magaalada miyaad katimid. 

Omar: Haa adeer meeshani waa boodh iyo siigo midhan sidee ugu nooshihiin.

Oday Jaamac: dhoolacadeyn yar oo aan run aheyn kadib adeer waa tan teenii inaad beeratana waa la rabaa kolay anagu waanu talax gabney oo xoog naguma hadhin . 

Omar: may adeer anigu uma iman inaan beerato xun noqdo ee aabo igu yidhi waa meel qurux badan oo in aan sawiro qurxoon ka qaato rabey.

Oday Jaamac: adeer waa qurxoonaan doontaa ee hadda waa abaar aabahaana been kuuma sheegin wiilkaygiiyoow. 

Is wareysi aan dheereyn waxa uu ogaadey adeer Jaamac in uu saaxiibkiis Abdi Dheere wiilkiisii curad yahey. Waxa uuna martiqaad ugu sameey-yay aqalkiisa. Omar yare waa la sharfay oo lasoo dhaweeyey inkastoo reerku sabool ahaa .......

Omar yare oo sheekada odeyga ee talada iyo wax sheega u badan ka daaley ayaa waxa biyo u keentay Hodan oo aanu horey u arag waa gashaanti qurux iyo dhererba lagu maneystey jidhkeedana la moodo labaatan jir soojeed iyo sii jeedba leh. Markiiba Omar oo ku maqan hodan ayaa Oday Jaamac ku yidhi Hodan "adeer wiilkan waxa dhaley ninkii saaxiibkey ahaa ee Abdi Dheere waana inaadeerkaa ee baro ....... "

Hodan oo dhoolacadeyneysa ayaa tiri "inaadeer barasho wanagsan ayadoo xishood ka muuqdo".

Inta Omar kacay oo salaan u fidiyey ayuu yidhi barasho lamida inaadeer balse maysan gacan qaadin ee wey ka dhaqaaqdey.  😂😂

Lasoco qaybta labaad oo aad u xiiso badan ..... Fadlan soo follow garee si aad ula socoto qaybaha danbe ....... 🙏




Comments

Popular Posts