Omar ileyn waa nin magaalo oo waa u qaadan waayey iney gacan qaadi weydo, wuu iska fadhiistey asagoo la niyad jabsan waxa helay.
Oday Jaamac oo xaaladiisa iyo wajigiisa ka arka isbadalka ka muuqda ayaa u caqli celiyey oo ku yidhi "halkani magaalkii maaha, dhaqan xumana lagama yaqaan, midanina diinteena kuma jirto".
Inaadeertaana waa inan xishood iyo diin lagu korshay.
Omar: oo adeer salaantu danbi miyaana ....
Oday Jaamac: adeer waa danbi oo gabadhu ilaa ay xaaskaaga ka noqoto ma taaban kartid. Waxa uuna kula kaftamey haddii uu siiyo Hodan in ay xalaashiisa noqon doonto.
Omar: qosol iyo farxad inta uu kala batey ayuu dhahey haa adeer weliba dhaqanka waxa udher qurux iyo sharaf.
Oday Jaamac: Horta adeer waxaad iiga warantaa aabo wax dardaaran ah ina makuu sheegay.
Omar: may adeer anigu maalinkii sakaraadka geerida aabo waxaan ku maqnaa asxaabta oo waxa aan fiirsanayey balooni ....... shit waa nalaga badiyey!!
Oday Jaamac: waa naxey oo ka xumaadey waxa uu wiilku sheegayo waxa uuna weydiiyey "Oo adeer sawkii aabbo xanuunka ladarnaa goorma haleeshey inaad ka dul tagto"
Omar: adeer aabo waqtigiisa ayaa qornaa, in nalaga badiyana qadarkaa keeney.
Oday Jaamac: waa yaab caruurtani horaa loo yidhi "Nimaad dhashey kuma dhalin" .... ayuu hoos iskula sheekaystay isaga oo la yaaban.
Markii la qadeeyey ka dib, cumarna waano iyo waxsheegba loo dhameeyey, lana dareensiiyey in uu reerka ka mid yahey, wanaagii aabihiina looga waramey ayaa uu dib ugu noqdey reerkii uu la dagenaa.
Maalinkii xigey ayaa waqti duhur ah uu kusoo baxey Hodan oo geed hoostii cadey(rumay) la fadhida.
Omar: Inaadeer Hodan Jaamac waanku salamey.
Hodan: Inta geedka dhinac u sikatey oo dhoola cadeyseybey ku jawaabtey Inaadeer waankaa qaadey ee anigu ma yihi ina Jaamac ee xaaji Jaamac waa adeerkey.
Omar: sorry! Shaley waxaan moodayey in oday Jaamac igu yidhi waa inanteydii ........ 😅
Hodan: Magacaagu saw cumar ma aheyn?
Omar: Haa xasuustaadu wey fiicantahey! Waxaan islahaa wey hilmaantey.
Hodan: Magac wax la hilmaamo maaha.
Omar: Social Media midkee ka isticmaashaa?
Hodan: maxay waaye? Ma aqaani waxaas? Kolay ma isticmaali!!
Omar: Facebook, Instagram, snapchat, whatsap!
Hodan: Dugsi ma dhigan oo luuqadaha qalaad ma aqaani ee af soomaali iigu sheeg.
Omar: maya maaha sidaasi ee waa meel dadku ka wada hadlo oo lagu sheekaysto.
Hodan: Telephonekeedii oo niicle ah inta ay soo saartey ayey tidhi midkan miyaa.
Omar: may midka weyn ayaa ay ku jiraan oo waa lagu sheekaystaa inta uu midkiisii soo saarey ayaa uu u dhiibey!
Hodan: Haa midkan edo oo dibadaha jirta ayaa wadan jirtey oo sawiro markii aan yaraa igaga qaadey ee maku jiraan!!
Omar: inta uu qosol is hayn waayey ayuu si qosol ku jiro u yidhi keyga kuma jiraan ee waa ka edo, laakiin hadda waan kaa qaadi karaa.
Hodan: Inta xishootey oo wejiga duubatey ayey tidhi waar iga daa diyaar uma yihiyee ....
Omar: haye inaadeer markale oo aad make up marsato kaa qaadi sawir fiican.
Hodan: oo make-up na maxaa la dhahaa?
Omar: waa alaab dumarku isku qurxiyo oo ay wejiga marsadaan.
Hodan: Haa, qasilka, Cusburka iyo Budhcadka ayaan aqaanaa.
Omar: Uf! Budhcadku waa ur badan yahey markan yaraa hooyo ii marin jirtey.
Hodan: oo hada anigu miyaan soo urayaa waan marsanahayee ...... 🤔
Omar: may inaadeer udgoonkaada ayaanba la yaabanahey waa budhcad maa igu odhan rabtaa
Hodan: May! Laakiin waad ii qarinaysaa haddii aad marka horeba tidhi. Kolay reer magaal baa tihiinoo runtu wey idinku adagtahey.
Omar: inaadeer intan sidee ugu nooshihiin?
Hodan: waa noolnahey ee maxaa naga khaldan?
Omar: Tv malihidiin, koronto ma idiin joogto, internet mahaysataan? Maxaad waqtiga intiisa kale qabataan?
Hodan: marka aanu beerta iyo xoolaha ka dhamaano adeer Jaamac ayaan raadiyaha la dhageystaa.
Omar: wararka miyaad xiiseysaa?
Hodan: May warkuba waa dagaal iyo baafin iyo siyaasad oo kamaba heli.
Omar: oo maxaa ka dhageysataa markaa?
Hodan: waxaan jeclahey barnaamijyada sida kuwa Heesaha iyo madadaalooyinka.
Omar: Heesaha ma jeceshahey? Fanaaniintee ka heshaana?
Hodan: khadra Daahir, Hibo Nuura, Tubeec ......
Omar: waa kuwii hore! Bal hal mar ku hees!
Hodan: may iga daa ma cod fiicniyee!
Omar: bal anigaa kuu heesaya ee mid dooro?
Hodan: midkaad jeceshahey qaad.
Omar: inta uu codka dhuunta sifeystey oo dhawr jeerba "xiix"....."xiix"..... yidhi ayuu ku luqeeyey heestii Qamar suugaani ee odhan jirtey ........
Adaa dumar ugu sitoo
Taswiirtaadaan dayaxa
Jeclaystey inaan dul sudho
Waxaan ka cabsadey dartaa
Iney xidiguhu dammaan ......
****************
Xubnaha doonistooda iyo
Dareenka bogeyga yaal
Dibnaha xaddey baa ku yidhi Adigaan dadka kuu jeclahey ......
******************
Intaan duray xididadii
Uduwey xinjiraha qalbiga
Adaan kugu daabacoo
Waxaan dagel kaaga dhigey
Halkii ugu door wacneeyd .......
**********************
Dawooy magaacaga bilan
Dhulkaan damcey inaan ku qoroo
Cirkiyo samadaan ku dayey
Ku daabac markaan is idhi
Daruur qarisaan ka baqay ........
Omar isagaa isku doontey heesta qamar ee kuma cod fiicneyn inta ay ka badh goyseybey tidhi iga daa hees been iyo balaayo midhan ah weeyiye oo culimaduba danbi bey kusheegeene.
Omar: baa inta uu qosley si kaftana ugu yidhi bal waa markaagii ee waanigaa ku amaaney oo xataa culimadii ka hinaastey ee bal adna hees ku luqee ....... Hodan cod aad ay ugu kalsoontahey oo halaasi ah oo asxaabteedu uga marag kacaan bey isku ogeyd inta ay ka meer meeraysatey bey tidhi dooro ............. haye bal khadra Daahir ku tuur .......... iyana codka sifeysatey kadibna ku dhufatey heestii Faal Caashaq ee odhan jirtey ....
Maraan xalayto faalada
Waayaha ku fiirsadoon
Fiirsaday aduunyada
Oo uur fayoobiyo
Faraxiyo jaceelkaba
Firxadkooda maqaniyo
Farsamee dantaan idhi
Iga sii furfuratoo
Fookh-weliba iga dumey
Allahayoow fogeydee nafta
Meel aan kala faqey fogeydee
In dhibaato igu filan
Faraqaan ku haystee
Weli faalkii caashaqu
Ma igu soo fadhi xun-yahey???
Lasoco Qaybta saddexaad oo aad uga sii xiiso badan ......
fadlan wixii talo iyo tusaale ahba comment sectionka ama contact formka noogu dhaaf ...
Hanna hilmaamin inaad fallow nasoo dhahdo si aad ula socoto qaybaha danbe ............ 🙏🙏
Comments
Post a Comment