Skip to main content

Featured

sheekooyin kaa qoslin doona oo aad u xamaasad badan

Sheekada Koobaad: Hooyo ayaa ka shakisay wiilkeeda inuu la seexdo gabadha uu la ijaartey aqalka .... maxay samaysey yaab: Hooyo ayaa waxa ayka shakisey wiilkeeda, kadib waxa ay ku booqatey aqalkii uu dagenaa oo ay gabadh ku weheliso si ay jiiraanka ula bixiso. Hooyadu waxa ay aaminsaneyd in xidhiidh uu ka dhaxeeyo. Waa ay martidey, wiilkeeda iyo gabadhii la daganeydba aad bey usoo dhaweyen Wax caawimo ah may siinin wiilkeeda xaga cunto kariska iyo xaga nadaafada midnaba. Si ay u ogaato balse waxa ay ogaatey in gabadhu ay tahey mid cuntada iyo nadaafada aqalkaba ilaalisa. Shakigeedana aadbuu usii batey. Waxa ay aad indhahooda ula raacdaa marka lafadhiyo miiska cuntada.  Wiilku waxa uu ahaa mid dareensan shakiga hooyadiisa, aad baanu isku iaalin jirey, hooyadii waxa uu ku odhan jirey waxba nagama dhaxeyan. Hooyadii maalmo kadib waa iska noqotey.  Mudo todobaad ah kadib gabadhii waxa ay ogaatey in aqalka uu ka maqanyahey bileedhkii dahabiga ahaa waxa ayna usheegtey wiilkii inuu h...

Hal habeen $200 kugulama seexan karo ..... sheeko cajiib ah

Lawyer warkiisu mayara

Wiilbaa gabadh suaalay library (meesha buugta lagu akhristo) gudihiisa;

Ma ii ogolaan kartaa inaan dhinacaaga soo fadhiisto adigoo raaliya ????

Gabadhii ayaa cod dheer ugu jawaab celisay iyadoo qaylinaysa " may habeen makugula kulmi karo sariir !!!

Ardaydii labrary-ga joogtaybaa indhaha kusoo gubtay wiilka aadbaanu uga niyad jabay waxa dhacay kursi kale oo banaan ayuu iska fadhistay isagoo cadhaysan.

Waqti yar ka bacdi .......

Gabadhii waxay usoo dhaqaaqday xagii wiilku fadhiyay iyadoo dadka iska eegaysa waxayna soo fadhiisatay miiskii uu fadhiyay waxayna ugu bilowday hadal "Anigu waxaan bartay cilmu nafsiga waxaanan garanayaa qofwalba waxa uu ka fikirayo !!!,

Waxaan umalaynayaa inaad iga xanaaqday, saw sidaasi maaha?"

Wiilkiibaa cod dheer ugu jawaabay: "$200 iyo habeen qudha may may!? Taasi aadbay ubadantahay!!!" 

Dhamaanba intii labrary-ga joogtay ayaa kusoo eegay gabadhii indho argagax iyo yaab ka muuqdo .....

Inta uu wiilkii sarakacay ayuu si hoose gabadhii ugu yidhi "Aniguna waxaan bartay lawga(sharciga) waxaanan aqaan sida qofka loo dareensiiyo danbigiisa"

Dulucda " Ogow marwaliba intaad dhigato ayaa kuu abaal ah ..."

Fadlan lawadaag asxaabtaada si ay ugaadho ....

Yaa guuleystey?? 😂😂

Comments

Popular Posts