Search This Blog
Bartan waxaad kala soconkartaa warbixinihii ugu dambeeyey suuqa iyo caalamkaba iyo madadaalooyinka sida cayaaraha, sheekooyinka iyo suugaanta Afka soomaliga.
Featured
- Get link
- X
- Other Apps
9-SHAQO OON XIRFAD KAAGA BAAHNEYN KUNA QABAN KARTO AQALKAAGA.
Waqtigan hadda la joogo waxaa adkaatey in la helo shaqo loo tago xafiis, waxa laga yaabaa inaad tahey waalid ladaala dhacaya siduu u xanaaneyn lahaa ilmahiisa amaba aad ka caajistey inaad u kalahdo shaqo ....
Hadda technolagyga ayaa kuu fududeeyey inaad ku shaqeysan karto gurigaaga halkana waxaan kuugu sheegi doonaa sagaal shaqo aad qaban karto adigoon wax xirfada laheyn ......
Shaqada koobaad: customer caring
Saacadii waxaad ku qaadanaysaa $17 sanadkiina ku dhawaad $36000
Maxaad qabanaysaa: - Waxaad ka jawaabeysaa su'aalaha macaamisha shirkada hab telephone ama messageba waxaanad siinaysaa warbixin ku saabsan shirkada iyo adeegyada ay bixiso waqti dhameystiran iyo saacado go'an labadaba midkaad doonto.
Shaqada labaad: - Data Entery
Waxaad sanadkii ku qaadenaysaa ku dhawaad $35,800.
Maxaad qabaneysaa:- shaqadan keliya waxey kaaga baahantahey inaad taqaan basic Excel waana inaad tahey qof feejigan maadaama aad qori rabti tirooyin lacageed.
Shaqada saddexaad: - virtual assistant
Waxaad sanadkii ka sameyn karti xadi dhan oo ah $35,500
Maxaad qabaneysaa:- waxaad ushaqeyneysaa sidii maamulka caadiga ah adigoo dejinaya jadwalada shaqo, waxaanad maamuleysaa accounada social mediaha, waxaad sidoo kale ka qeyb noqoneysaa daraasadaha cilmi baadhiseed.
Shaqada afraad: - Translator
Waxaad ka sameyn kartaa xadi lacageed $30 saacaadii oo udhiganta kudhawaad $62000 sanadkii.
Maxaad qabaneysaa: - waxaad turjumeysaa maqaalo ama codad waxaanad ku shaqeyn kartaa hab project ama shaqaale rasmi ahba.
Shaqada shanaad:- Social Media Specialist
Waxaad sanaddii ka sameyn kartaa kudhawaad lacag dhan $46000
Maxaad qabaneysaa: - waxaad masuul ka noqoneysaa xayaysiisyada iyo sawirada lasoo gelinayo pageska shirkada
Shaqada lixaad: - Book Keeper
Waxaad ku qaadaneysaa saacadii $18 oo noqoneysa ku dhawaad lacag dhan $38000 sanadkii.
Maxaad qabaneysaa: shaqadani waa mid aad ugu baahan taxadar waxaad kaydineysaa waraaqaha iyo warbixinaha shirkada ee xaga dhaqaalaha hadey tahey lacagaha laga saaro acountska iyo waraaqaha kharashaadka iyo biilasha copy-gooda.
Shaqada toddobaad: - Computer Troubleshooting Technician
Waxaad lacag ka sameynkartaa $22 saacadii oo ah ku dhawaad $46000 sanadkii
Maxaad qabaneysaa: haddii aad leedahey xirfad computer waxaad hab online ah u cilad saareysaa ama talo ka bixineysaa qalabka computerka shirkadaha Hardware ama software midkay noqotoba hab online ah.
Shaqada sideedaad: - Transcriber
Waxaa lagu qaataa saacadii $15 oo u dhiganta sanaddii $31000
Maxaad qabaneysaa: Haddii aad tahey qof si degdeg ah wax u qori kara oo maqalkiisuna fiicanyahey waxaad cod dhageysi (Audio) ubadaleysaa qoraal(document).
Shaqada sagaalaad: - Proofreader
Waxaad kasameynkartaa $43000 sanadkii
Maxaad qabaneysaa: - Haddii aad tahey qof ku fiican luqada Englishka amaba luqadaha kale ee caalamiga ah waxaad akhriyeysaa buug ama maqaalo waxaanad saxeysaa ama sheegeysaa meelaha khaladku ku jiro sida spelling-ka ama grammerkaba.
Shaqooyinkan xageebaad ka heli kartaa ood kaga shaqeysan kartaa????
Haddii aad tahey qof u diyaar ah inuu shaqeeyo saacado go'an amaba shaqo dhameystiran waa macquul in qaar aad telephone ku shaqeynkarto laakiin badi shardi waxa ah inaad haysato computer(Laptob ama desktop)
1- Upwork = https://www.upwork.com/
2- Fiverr = https://www.fiverr.com/
3- Canva = https://www.canva.com/
4- freelancer.com
Haddii aad tahey qof xirfad leh oo yaqaana xirfadaha sida: - Graphic designing, web designing, logo design, video editing iyo photograph 90% waad ka shaqeysan kartaa meelahan iyo kuwo kale oo badanba.
Haddii uu ku anfacey maqaalkan lawadaag asxaaptaada daneysa iney ku shaqeystaan habka onlineka ah.
- Get link
- X
- Other Apps
Popular Posts
Dheecaanka Raganimo ............ keliya ragga
- Get link
- X
- Other Apps
sheekooyin kaa qoslin doona oo aad u xamaasad badan
- Get link
- X
- Other Apps
Comments
Post a Comment