Search This Blog
Bartan waxaad kala soconkartaa warbixinihii ugu dambeeyey suuqa iyo caalamkaba iyo madadaalooyinka sida cayaaraha, sheekooyinka iyo suugaanta Afka soomaliga.
Featured
- Get link
- X
- Other Apps
7- badan Nin waa gabadh weliba dookheeda!
Toddobadan shakhsiyadood ee raga ahi waa gabadh weliba dookheeda waxaanan kuugu dhex sheegi doonaa maqaalkan.
Waxa laga yaabaa in aadan ku jirin raggan ama aadan jecleyn noocyada ashkhaastan.
Ninka koobaad: Midka caqliga badan.
Ninkani waxa uu ka sheekeeya sheekoyinka soo jiidashada leh, inta badana keena fikirka. Waxa uu ilowsiiyaa waqtiga agtiisana kuma dareento caajis. waxaaney kaheshaa qaab fikirkiisa iyo sida uu ukala doorto sheekooyinka, waqtiga jaceylka iyo dareenka waxa uu udaaraa kuwa cishqiga, xilliga niyad jabkana kuwa dhiiranida iyo sabirka iskusoo duuduub oo waa nin mar welba siyaasadiisa ku cajab geliya.
Ninka labaad: Midka Kalsoonida Badan
Ninkani waa midka dhiiran ee aan bulshada ka baqin. Waxaa uuna qaataa go'aanadiisa isaga ayaana marweliba xidhiidhka gabadha ku xoog badan kamana baqo in ay katagto, kamana hinaaso gabadhu wiilasha ay la asxaabta tahey.
Ninka saddexaad: Hal-Abuurka
Ninkani waa nin gabadha kusoo jiita haybadiisa sida codka halaasigaa ee ugu heeso, amaba sawirada iyo waraaqaha farta qurxoon lagu xardhey ee uu iyada ku amaano.
Ninka Afaraad: Midka Fog
Ninkani waa ninka ka imaada meel ka dheer gabadha sida qurbaha ama magaalooyinka kale ee aan isku lahjada aheyn. Tusaale ahaan sida
Gabadh = muqdisho, Ninka= jabuuti Gabadh = Jabuuti, Ninka = Burco
Ninkan gabadhu waxa ay ka heshaa barashada lahjadiisa iyo caadooyinkiisa. Waxa aad uga qoslisa sida uu uhadlo, ulabisto, u cadhoodo, ama uu ula dhaqmo ayada.
Ninka shanaad: Adeegaha (Daanyeerka)
Ninkani waa midka aadka ay uga helaan waana midka isaga oo ladalban u adeega gabadha sida in uu ka furo albaabka baabuurka marka ay raaci rabto, usoo jiida kursiga marka ay fadhiisan rabto, bixiya kharashka cashada, usoo sheega waqti fiican marka uu saari rabo, aad ula socda dareemadeeda sida waqtiga ay caadada ku jirto, xanuusantahey amaba ay guriga rabto in ay aado.
Ninka lixaad: Mucaashaqa
Ninkani waa ninka romantica ku dheereya badi waxa uu ukeena fiyooraha(ubaxa), chocoleetka, ama waxa uu daara shamaca waqtiga cashada. Waxa uu usoo wacaa si uu udareensiiyo in uu ka fekerayo, waxa uu eegaa indhaheeda si uu ugu sheego waxa uu dareemayo.
Ninka todobaad: Ruuxda waalan (Dafdaflaha)
Ninkani waa midka mawjadu wadato ee meeahii dabayshu uqaadaba taga, asagoo shaqo le haddii ay tidhaa bada liido igee wuu geynaa haddii uu doono mooto bajaajbuu saareyaa. Kama fekaro dhibta uga imaan karta degdegiisa. Keliya waxà uu èegaa inta awoodiisu wadi karto. Ninkani badi waa nin caruurnimo ku jirto inkasta oo ay ogtahey in uusan aheyn midka ay guursan rabto haddana kama ahaan karto maadaama ay iyadu maamusho dhaqdhaqaaqiisa.
● wiiloow midkee tahey??
● Gabadheey midkee dookhaaga ah??
Fadlan nagu soo biir oo nasoo fallow garee si aad noola socoto ........
Wixii talo iyo tusaale ah comment sectionka ama contact formka noogu reeb ..........
Mahadzanid 🙏🙏
- Get link
- X
- Other Apps
Popular Posts
Dheecaanka Raganimo ............ keliya ragga
- Get link
- X
- Other Apps
sheekooyin kaa qoslin doona oo aad u xamaasad badan
- Get link
- X
- Other Apps
Comments
Post a Comment